image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Cabdiraxmaan Dheere, oo waayay kursigiisii Xildhibaan nimada

Muqdisho (Onkod Radio) Siyaasiga Cabdiraxmaan Dheere oo ah, gacan yaraha la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa waayay kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa, kaasoo uu ku fadhiyay 10 kii, Sano ee lasoo dhaafay oo uu tirsigiisu yahay HOP#124, islamarkaana yaalla Magaalada Kismaayo.

Cabdiraxmaan Dheere oo kursigan ku fadhiyay 12-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa sameeyay isku dayo iyo dadaallo xooggan si dib loogu doorto, balse uma suuragelin, waxaana ka adkaaday isaga iyo kooxda Fahad Yaasiin, inay la xaajoodaan hoggaamiye Axmed Madoobe.

Ninkan oo isaga oo xildhibaan ahaa ku shaqeynayay sarkaal ka tirsan NISA ayaa sidoo kale isku dayay inuu kursiga kasoo wareejiyo deegaan doorashada Kismaayo, balse waxaa kasoo horjeestay beeshiisa oo ku gacan seertay damaciisa ah, in loo weeciyo Magaalo kale.

Doorashada kursiga HOP#124, ayaa waxaa lagu wadaa in la qabto maalinta Isniinta ah, ee soo socota, waxaana loo xiray musharrax lagu magacaabo Maxamed Nadiif, kaas oo Cabdiraxmaan Dheere, uga horreeyay kursiga, wuxuuna ahaa xildhibaan 2004 illaa 2012.

Nadiif oo haatan qaatay shahaadada musharraxnimada ayaa sidoo kale ka mid ah, siyaasiyiinta caanka ah, ee kasoo jeeda deegaannada Jubbaland, wuxuuna mar isku soo taagay xilka madaxweynaha, walow aan la ogeyn kooxda uu haatan ka tirsan yahay.

Dhanka kale guddiga SEIT ee Jubbaland ayaa shaaciyay guddiga soo xulaaya kuraasta kala ah, HOP#124 iyo HOP#029, iyada oo gabi ahaan tartanka laga reebay Cabdiraxmaan Dheere.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.