image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Cabdirashiid Duqa, oo war lama filaan ah, ka soo saaray Isbaddel doonka Farmaajo

Muqdisho (Onkod Radio) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo ah afhayeenka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa ka hadlay doorashada guud ee madaxweynaha, taas oo loo madalsan yahay 15-ka bishaan aynu ku jirno May ee 2022-ka.

Cabdirashiid oo hadal ka jeediyey munaasabad gaar ah oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ku dhowaaqay erayo lama filaan ah, sida madaxweynaha dib loo doortay, isaga oo tusaaleysanaya doorashada madaxweynaha ee dhici doonto maalmaha soo socda.

“Aniga waxaan tusaaleysanayey 15-ka May oo ah maalinta loo madlay in la doorto madaxweynaha, iyaga oo kasoo warramaya goobta baarlamaanka Wariye ka mid ah gabar iyo wiil koo doono ha ahaadee oo ku dhowaaqaya madaxweynaha jamhuuriyadda ee la doortay ama dib loo doortay si ay ahaataba,” ayuu yiri afhayeenka Villa Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxaa ka falceliyey dadweyne fara badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay damaca ku jira kooxda Villa Soomaaliya ee ku aadan dib doorashada Farmaajo.

Villa Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay ololihiisa doorashada ee Farmaajo kadib markii guddiga doorashada ay ku dhowaaqeen in doorashada la qabanayo 15-ka May.

Sidoo kale kooxda ayaa adeegsatay halku dhigga “Isbaddel Doonka Socda” oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.