image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Booliska Gobolka Banaadir ayaa kusoo qabtay Maandooriye kala duwan howl-gal ay ka sameeyeen Degmada Dharkeynley

Muqdisho (Onkod Radio) Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Degmada Dharkeynley, Magaalada Muqdisho, waxa ay kusoo qabteen walxaha maanka-dooriya, iyo Dad ka ganacsada & Dhallinyarada dhibaatada ka geysta Degmadaas ee loo yaqaan (Ciyaal weerarada).

Taliye ku xigeenka Booliiska Degmada Dharkeynley Kabtan Cabdifitaax Malaaq, oo kulan la qaatay Odoyaasha dhaqanka ayaa kala hadlay sidii Owlaaddooda gacan adag ugu qaban lahaayeen si looga hortago halista ka dhalan karta beegsiga dhexdooda.

Taliyaha Booliiska qaybta Galbeed Gaashaanle Dhexe Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganey) ayaa sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay walxaha maanka-dooriya sida Khamri, Xashiish, Kaniini iyo walxo kale.

“Howlgal labo Waji leh ayaan ka sameynay Degmada Dharkeynley, wajiga 1aad, waxa aan kula kulannay Odoyaal ka cabanaya tuuryada & dhibka ay ku hayaan dhallinyarada oo maalmahaan caaddeystay in ay fowdo ka sameeyaan qaybta Galbeed, wajiga 2aad, waxa aan kusoo qabannay walxaha maanka dooriya, oo ah, calaq, Kaniiniyaal ay isticmaalaan dhallinyarada ee Magaalada kusoo batay” ayuu yiri Taliye Yaasiin Ganey.

Ciidamada Ammaanka DFS ayaa howlgallo ka wada Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaddib markii Duqa Muqdisho uu sheegay in ay kordheen walxaha Maanka-dooriya oo Dhallinyarada Caasimadda isticmaalkoodu ku batay.

Dhallinyada da’da yar ayaa bilihii danbe aad loou cawanayay ayagoo geeysanayay gabood fallo aad u fool xun sida Dil iyo dhac dhaawacyo, qaar ee ay jiifaan Isbitaallada Muqdisho qaarna ay u geeriyoodeen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.