image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

AUN Meydka Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ayaa la keenay Muqdisho

Muqdisho (Onkod Radio)– Allah u naxariistee waxaa la keenay magaalada Muqdisho meydka marxuumad Aamina Maxamed Cabdi, oo xalay ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo lagula beegsaday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sida uu xaqiijiyay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo lagu soo doortay Beledweyne marxuumadda ayaa waxaa lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Jeesow oo ka hadlayay geerida ku timid marxuumadda ayaa sheegay inay aheyd xildhibaanad ka dhex muuqatay reer Hiiraan.

“Aamino waxay aheeyd xildhibaanad ka dhex muuqato, gobolka Hiiraan, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Ilaahey ha u naxariisto, sabar iyo iimaan allah naga wada siiyo,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Qaban qaabada aaska ayaa haatan si weyn looga dareemayaa caasimadda, waxaana geerida Aamino Maxamed, ay si weyn u taabatay Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo lagu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil Faarax, oo dartiis loogu magac daray Hooyadii Cadaaladda.

Allah u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horey ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyay shaki badan, maadaama ay u takanowday kiiska Ikraan Tahliil, oo si hagar la’aan ah, ay ugu doodi jirtay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.