image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

AU ‘’ Lama aqbali karo codsiga Villa Somalia ee sii joogitaanka ATMIS ‘’ – JAWAAB

Adis Ababa (ONKOD) Midowga Afrika ayaa la sheegayaa inay ka biyo diideen codsiga Villa Somalia ee ah in la hakiyo bixitaanka ciidanka ATMIS kuwaas oo qorshuhu yahay in dalka ay ka baxaan dhamaadka bishan September .

“Macquul ma aha inaad sidaad u hurdeysay aad soo toosto labo toddobaad ka hor bixitaanka ciidanka ATMIS,” ayaa laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Midowga Afrika

AU waxay la yaab ku tilmaantay in Warqad wiifto ah loo diray Qaramada Midoobay, halkii codsiga lagu hagaajin lahaa Midowga Afrika (oo ah kan keensaday ciidanka ATMIS).

Lama marin Wasaaradda Arrimaha Dibadda Muqdisho, taasina Midowga Afrika waxay ku tilmaameen “dhaqan xumo dhanka diblomaasiyadda ah”

Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo aan samayn qorshe ciidan oo dhab ah ayaa tani la rumaysan yahay in ay ku keeni karto dhaawac xaga amniga ah maadama ay gashay dagaal aan la hubin natiijada ka dhalan karta.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay in la hakiyo qorshaha wajiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidanka ATMIS.

Bishan September ayaa  qorshuhu yahay in 3000 oo askari ay ka baxaan Soomaaliya taas oo hadda soo – baxaya sida walaac loo qabi karo ka dib bixitaanka ciidanka ATMIS.

Todobaadkan gudahiisa ayay ATMIS ciidanka Xoogga dalka ku wareejisay saldhigii ugu weynaa ee ATMIS ku laheyd deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.