image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ahlu-Sunna ayaa weerar xalay ku dishay askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Onkod Radio) – Kooxda Ahlu Sunna ayaa xalay qaab layaab leh usoo agaasintay weerar ay ku dishay askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug,

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Onkod Radio, qaar ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugan Bohol ayaa xalay soo wacay saraakiil ka tirsan ciidamada Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb, waxayna u sheegeen inay rabaan inay isa soo dhiibaan.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa sheegay inay rabaan in magaalada Dhuusamareeb lagu soo dhoweeyo, islamarkaana loo soo diro gaadiid iyo ciidan soo galbiyo.

Madaxtooyada Galmudug ayaa rumeysatay warka Ahlu-Sunna waxayna isla xalay dirtay laba gaari oo kuwa dagaalka ah, si ay usoo galbiyaan ciidamada sheegay inay isa soo dhiibayaan, balse waxaa loo dhigay dabin aad loo qorsheeyay.

Waxaa mar qura horey iyo gadaal looga billaabay rasaas xilli ay marayeen meel u dhaxeyso Dhuusamareeb iyo Bohol, waxaana u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan mid kamid ah labadii gaari, sidoo kalana waxaa dhimasho iyo dhaawac noqday qaar kamid ah askartii saarneyd labada Gaari.

Gaariga kale iyo ciidan yar oo ku haray ayaa si dirqi ah kaga baxsaday weerarka, waxayna dib ugu noqdeen Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.