image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Abiy Ahmed, muxuu ka yiri guushii Xasan Sheikh Maxamuud

Addis Ababa  (Onkod Radio) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray doorashadii xasaasiga aheyd ee xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad la doortay.

Abiy Ahmed, ayaa hambalyo u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo afarta sano ee soo socota hoggaamin doono Villa Somalia.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Abiy.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub, ayna iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.

Waxaan rajaynayaa inaan si dhow uga wada shaqeeynno danaha guud ee labada dal iyo kuwa gobolka” ayuu sii raaciyey.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa shantii sano lasoo dhaafay saaxib dhow la’ahaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay looga adkaaday doorashada, kaas oo helay 110 cod, halka Xasan Sheekh Maxamuud uu isna kusoo baxay 214 cod.

Si kastaba, guusha Xasan Sheekh, ayaa waxaa si weyn looga soo dhoweeyay dalka, iyada oo sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka iyo dowladaha dariskana ay ka hadleen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.