image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Abdiraxmaan Abdishakuur oo furay daaqadii Mucaaradnimada

Muqdisho (ONKOD) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xildhinaanada Golaha shacabka  ayaa bartiisa Facebook ku qoray hadalo uu si wayn  uu ugu dhaliilay Dowladda u hoggaaminayo Madaxwaynaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in  ay muuqanayaan  waxyaabo badan oo ay hore ugu diideen Dowladii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay hadda ku dhaqmayso Dowladda Xasan Sheekh.

Cabdiraxmaan ayaa ku xusay qoraalkiisa in la aqbali doonin in dadka la caburiyo oo loo diido safarada laga  hor istaago wixii xaqa ay ay u laahaayeen taas oo uu sheegay in ay ahayd waxa ay ka midaysanayeen Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalkiisa sidan ayuu u qoray siyaasigan :

Saddex mabda’ siyaasadeed oo aan ku diidnay Rajiimkii kan hadda jira ka horeeyey waa kuwo sugan oo aan cidna looga haybaysanin.

1- In aan la xirin saaxada siyaasadda oo aan la diidin xoriyadda hadalka, safarka, kulanka, ku biirista xisbiyada iyo cabbirka fikirka siyaasadeed intaba.

2- In doorashooyinka heer Federaal iyo Dawlad Gobol ay xilligooda ku dhacaan, muddo kororsina sharci dari yahay, horseedna u yahay xasilooni dari siyaasadeed.

3- In aan ciidanka loo adeegsan dan siyaasadeed iyo cabburin shacab.

Waxaan ugu baaqayaa saaxibadii shalay mabaadi’daas nagula midaysnaa in aysan ka weecan, haddii kale aan la isku eedin.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.