image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Lacagtii Imaaraadka Carabta oo maanta la fasaxay dibna loogu wareejiyey

Muqdisho (Onkod Radio ) – Lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee dowladda Soomaaliya ay xayirtay bishii April 2018 kii ayaa ugu danbeyn maanta la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa 7-dii Janaayo 2022, wuxuu dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii bishii April 2018, ay dowladda Soomaaliya, ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo.

Isla maalinkaas Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah dib u celinta lacagtii dowladda Imaaradka wuxuuna guddoomiyaha Bankiga Dhexe ka dalbaday in uusan oggolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay.

Muranka Rooble iyo Farmaajo, ayaa waxaa 30-kii Janaayo soo faro-gelisay Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo saartay ammar lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka taasi oo hakad gelisay in lagu wareejiyo dowladda Imaaraadka.

Si kastaba, Maxkamadda ayaa hadda u muuqata inay maanta baddeshay go’aankeedii hore, waxayna soo saartay ammar cusub oo lagu fasaxay lacagta ugu dambeynna dib loogu celiyay Imaaraadka Carabta.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.