image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

NISA oo sheegtay in ay hawlgallo ka fulisay Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha hoose

War ka soo baxay Hay’adda Nabadusgidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidamo ajnabi ah ka qaybqaateen ay NISA ka fulisay saddex gobol oo kala ah Hiiraan, Galgaduud ilo Shabeellaha Hoose.

NISA ayaa sidan u dhigtay warkeeda ku aaddan hawlgalkan:

Howlgalka gobolka Hiiraan: Waxaa lagu dilay horjooge Cabdi Xiiray iyo labo horjooge oo kale oo ku sugnaa degmada Moqokori. Hogaamiye Cabdi Xiiray, oo muddo lagu raad joogay, ayaa ahaa dhiigyo-cab abaabulay dhagarro iyo shirqoollo badan oo lagu waxyeelleeyay shacabka deegaannada Hirshabeelle.

Howlgalka gobolka Galgaduud: Illaa 11 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ka dib markii la helay xog ku saabsan maleeshiyaad Khawaarij ah oo halkaasi lagu abaabulayay.

Howlgalka gobolka Shabeellaha Hoose: In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad cadowgu ku urursanayey tuulada Tugaarey oo hoos timaadda degmada Awdheegle.

Howlgalladan bartilmaameedka ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu naafaynayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo nooc kasta oo shirqool ay u abaabulaan shacabka Soomaaliyeed.

Xigasho: NISA

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.