image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan, iyo Aadan Madoobe oo kulan deg deg ah, yeeshay Ujeedka Kulankooda

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, oo door weyn ka qaatay dhameystirka doorashada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal.

Kulana labada masu’ul ayaa ahaa is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Xasan Sheekh, ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Xasan Sheekh, ayaa wareeggii 2-aad uga soo gudbay 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga soo gudbay 83-cod, waxayna labada musharax ku kala hareen wareegii ugu dambeeyey ee 3-aad.

Doorashadaan oo soo bilaabatay shalay duhurkii ayaa lagu kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxaana sidaas ku soo xirmay todobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

Xasan Sheekh, oo horay ugu guuleystay in dowladdii uu hoggaaminayay ay rasmi noqotay oo KMG ka baxdo burburkii kaddib, wuxuu markale noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.