image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shir looga hadlayo taageerada dhaqaale ee howlgalka AUSSOM oo ka socda Uganda

Waxaa magaalada Kambaala ee caasimada dalka Uganda ka socda shir u dhaxeeya  Taliyeyaasha dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxa uuna soconayaa shirka 22 ilaa iyo 25 bishan April.

Shirkan ayaa waxa uu yahay mid ay Taliyeyaasha uga hadlayaan sidii taageero dhaqaalo loogu garab istaagi lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galeya, ayaa ka socda dalalka Uganda , Kenya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, iyo Masar oo markii ugu horeeysay si rasmi ah uga qeyb noqoneysa howlgalka AUSSOM.

Dowladda Masar, ayaan horay uga mid aheyn howlgalkii AMISOM iyo ATMIS, waxaana Masar ay hadda qorsheyneysa in ay xooga saarto arimaha amniga geeska Afrika.

Geesta kale shirkan ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shirweyne ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka Afrika, kaasi oo looga hadli doono mustaqbalka howlgalka AUSSOM, iyo sidii loo heli lahaa taageero dhaqaalo oo joogta ah.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filaya in wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ay garaan dalka Yugaandha, si ugu qeyb galaan shirarka ka soconaya dalkaasi.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.