image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheysan ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ka sameyeen saacadihii lasoo dhaafay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn  ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay cutubyo katirsan Ururka 64-aad guutada 7-aad  iyo qeybta 12 April, oo kaashanaya ciidanka Booliska degmada Wanlaweyn, waxa ayna si gaar ah uga sameyeen inta u dhaxeya deegaanada Yaaqbari weyne iyo Leego.

Saraakiisha howlgal hoggaamineysay, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga loogana hortagayo dhaq dhaqaaqyada ay Al-shabaab kawada gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in howlgalka ay ku burburiyeen saldhigyo ay kooxda Al-shabaab, ku lahayeen inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Yaaqbari weyne ee gobolka.

Sikastaba, gobolka Shabeellaha Hoose, waxa uu kamid yahay deegaanada ay Al-shabaab intiisa badan heystaan, waxaana xusid mudan in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, ay dhankooda wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku ciribtirayaan kooxda Al-shabaab.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.