image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

RW Xamsa oo ku dhawaaqay in SSC-Khaatumo ay tahay maamul goboleed katirsan dowladda Federaalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa ka dhawaajiyay in SSC-Khaatumo uu yahay maamul goboleed xubnin ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa madaxda  heer kala duwan ah Isimmada dhaqanka iyo kumanaan shacab ah.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaare Xamsa in maamulka Khaatumo uu ku yimid rabitaan shacabka deegaanka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay tixgelin doonto xuquuqda dadka deegaanka, si lamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.

“Waxaan cod dheer ku sheegaya in SSC-Khaatumo ay tahay maamul katirsan dowladda Soomaaliya, mana ahan meel lagu muransan yahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamsa.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in bulshada SSC-Khaatumo ay tahay bulsho mataleysa rabitaanka dadkooda, xaqna ay u lee yihiin in ay ka tashadaan masiirkooda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.