image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Weriye Coldoon oo shaaciyay inuu iska cararay magaalada Burco

Weriye  Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo hadda ah samafale ka shaqeeya caawinta dadka danta yar, ayaa ku dhawaaqay inuu iska cararay magaalada Burco ee gobolka Togdheere ee Somaliland.

Coldoon, ayaa sheegay in helay xog ku aadan in ciidanka amniga ay qorsheeynayaan in la xiro, balse uu habeen ka hor iskaga baxay magaalada Burco.

Tallabadan ayaa waxa ay abuurtay shaki badan oo ku aadan halka uu aaday Coldoon, maadama uu qoraalkiisa ku sheegay in tagay meel uu ku dareemayo amni.

“Waan ka tagey Burco.Xalay ayaan guure kaga baxay magaaladaydii Burco kaddib Markii aan ogaaday in la go’aamiyey in la i xidho. Hadda waxa aan ku suganahay meel aan ku dareemayo ammaan,” ayuu ku yiri Coldoon qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Qaar kamid ah dadka aragtida ka dhibaanaya qoraalka uu soo dhigay Coldoon bartiisa Facebook, ayaa ku si cad ah u dhahaya “ Ma Jilib ayaad aaday”.

Sidoo kale laamaha ammaanka  ee magaalada  Burco ayaa laga soo xigtay in aysan qorshahooda aheyn in ay soo xiraan Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Sikastaba, arrintaan ayaa daba socota markii dhowaan uu qoraalka ay soo dhigtay warbaahinta Aljazeera, oo ay kaga hadleysay Somaliland uu faallo uu ka dhiibtay ku tilmaamay in madaxda Xukuumadda Somaliland ay  yihiin kuwa calooshood u shaqeysatayaal ah, arrintaasi oo qaar kamid ah shacabka reer Somaliland ay aad uga falceliyeen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.