image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay degmada Jilib

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo loo adeegsaday walxo qarxa, oo xalay diyaaradaha Itoobiya ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Inkasto ay dowladda federaalka Faah faahin, ka bixin duqeynta, balse saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in weerarka duqeynta uu ahaa mid qorsheysan  lala beegsaday  goobo cayiman oo ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe .

Sidoo kale waxaa adag in xogo dheeraad ah laga helo duqeynta iyo waxyeelada ka dhalatay, maadama degmadaasi ay kamid tahay goobaha ay ku xooggan yihiin dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Geesta kale waxaa sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayeen goobo kala duwan oo dab ka holcaya, isla markaana lagu sheegay in uu yahay suuqa Quduurta iyo Hilibka ee degmada Jilib.

Sikastaba, saacadihii lasoo dhaafay waxaa duqeymo xooggan ay ka dhaceen deegaano ka kala tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.