image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wararkii ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb (Onkod Radio) –Xaalad deganaasho ahm ayaa saakay laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, kadib dagaallo shalay ku dhex-maray ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogagga Ahlu Sunna oo soo weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in qoysaskii ka barakacay Dhuusamareeb ay haatan bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, walow saameynta dagaalka laga dareemayo deegaannadaasi.

Dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ayaa sidoo kale yar, waxaana magaalada weli laga dareemayaa cabsi la xiriira in markale ay ku dagaallamaaan labada dhinac.

Galmudug ayaa dhankeeda ku dhawaaqday inay gacanta ku hayso magaalada oo dhan halka  Ahlu Sunna aysan weli wax war ah, ka soo saarin dagaalkaasi.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan xoogagaa Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Sangooy oo u dhow Dhuusamareeb, sidoo kalena kaabiga deegaanka Bohol oo ah, halkii ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Ahlu Sunna.

Dagaalladan ayaa kusoo aaday, iyadoo Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ay labaduba ku suganyihiin magaalada Muqdisho, halkaas oo ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada madaxweynaha  Soomaaliya, oo dhici doonta maalinta berri ee ah, 15-ka May.

Si kastaba, Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa dhammaadkii bishii October ee hore Sannadkii 2021-kii dagaal culus looga saaray degmada Guriceel oo ay Maalmo kooban haysteen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.