image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ku dhawaad 24 saac kaddib oo lasoo afjaray weerarkii hotel Qaahira ee magaalada Baladweyne

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe soo afjaray weerar qaatay 15 saacadood oo ay Al-shabaab ku qadeen hotel Qaahira oo ku yaalla galbeedka magaalada Baladweyne  ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka oo ku biloowday qaraxyo ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 7 ruux oo isugu jira nabadoonno, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Mamulka magaalaa Baladweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarka, ciidamada amniga ay u suuragashay inay toogtaan raggii weerarka soo qaaday.

“ Ragga weerarka soo qaaday waxa ay aheyen 6 dhagar qabo Afar wey is qarxisay, labana ciidamada amniga ayaa toogtay, ciidamada amniga waxa soo badbaadiyeen odayaal, saraakiil iyo dad shacab ah oo ku jiray hoteelka waxaana howlgalka ay soo afjareen xalay saqda dhaxe, hadana ciidamada amniga ayaa gudaha hotelka baaritaano kawado,” ayuu yiri gudoomiyaha magaalada Baladweyne Cumar Calasoow.

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in xaalada guud ee magaalada Baladweyne, ay deggan tahay dibna uu u soo laabtay isku socodka dadka iyo gaadiidka maadama weerarkii shalay uu hakad geliyay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.