image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Afhayeenka Booliska, oo war ka soo saaray khasaaraha Qarixii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Onkod Radio) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii maanta ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa is-miidaamin uu qofka fuliyey bartilmaameedsaday gawaari ku sugneyd Checkpointiga laga galo garoonka Aadan Cadde.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa Jeneral Garabey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, kaas oo uu gaarigaasuu taagnaa goobta, balse waxa uu sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaasi, uuna haatan caafimaad qabo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ruuxa is qarxiyey uu rabay inuu qabsado daaqadda gaariga oo ahaa nooca aan xabadda karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Shaqsi isku xiray walxaha qarxa oo naftii halige ah ayaa wuxuu si toos ah u beegsaday gawaaridii taagneyd Checkpointiga, gawaaridaas oo uu ka mid ahaa gaariga General Garabey oo sida idin muuqata rabay inuu daaqadda ka qabsado, balse gaariga oo ahaa baabuurta aan xabadda karin aawgeed Ilaaheyn nooga bad-baadiyey Jananka, wuuna caafimad qabaa, waxa dhib ahna ma jiraan,” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo la geeyay isbitaallada Madiina iyo Digfer ee magaalada Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.