image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan “Cooladda ka taagan bariga DRC waa musiibo bani’aadanimo”

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka aan caadiga aheyn ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahay xoojinta doorka Afrika ee xal u helidda dhibaatooyinka ka jira qaaradda.

“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bani’aadanimo, waxa ayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne  Xasan  ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.