image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Weerar ku billowday Qaraxyo oo lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin ciidamada ATMIS

Muqdisho (Onkod Radio) – Faah-faahino dheeraad ah, ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar culus oo saakay dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ay ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ee qaybta howlgalka ATMIS ex AMISOM, ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa wuxuu ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal fool ka fool ah, oo u dhexeeyay ciidamada Burundi, ee ku sugnaa saldhigga la weeraray iyo xoogagga Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa dagaalka mar dambe ku biiray ciidamo ka tirsan kuwa millatariga Soomaaliya, kuwaas oo gurmad ahaan ugu tegay ciidamada ATMIS, ee lagu weeraray halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Al-Shabaab oo dhankeeda ka hadashay weerarka waxa ay shaacisay inay dagaalyahannadeeda gudaha ay u galeen saldhigga, ayna la wareegeen, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ee maamulka HirShabelle.

Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab, ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS, ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.