image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Golaha ammaanka oo ansixiyay howlgalka cusub ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay meel mariyay qaraar qabyo ah oo lagu dhisayo howlgalka taageerida iyo xasilinta ee midowga Afrika ee Soomaaliya ( AUSSOM).

Qaraarka qabyada ah ayaa waxaa ansixiyay 14 wadan, waxaana ka aamusay hal wadan, qaraarka ayaa waxa hoggaamineysay Dowladda UK.

Qoraalka qabyo-qoraalka ah ayaa u oggolaanaya Midowga Afrika (AU) inuu Soomaaliya geeyo illaa 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 boolIis ah, ilaa 30ka Juunyo 2025, iyo in la dhammaystiro taariikhdan dib u habeynta dhammaan ciidammada Midowga Afrika ee  horey u ahaa ATMIS, si loogu guuro AUSSOM.

Sidoo kale AUSSOM waxay beddeli doontaa howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo howshiisa uu ku eg yahay 31-ka December ee sannadkan 2024.

Ku-xigeenka ergayga joogtada ee UK, Danjire James Kariuki, ayaa tilmaamay in qaraarkan uu si adag u xoojinayo taageerida uu golaha siiyo Dowladda Soomaaliya.

“AUSSOM, waxaan u fasaxnay inay Soomaaliya ay ka tageerto dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab, xoojinta dedaalada xaslinta Soomaaliya, iyo awood bixinta gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire James.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.