image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Soomaaliya iyo Itoobiya oo kawada hadlay dhameystirka qodobadkii kasoo baxay shirkii kadhacay Ankara

Waxa maanta Magaalada Addis ababa kulan ku yeeshay wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uuna kulankooda ku saabsanaa si loo dhameystiro heshiiskii ay ku gareen Magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga.

Kulankan ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay sii amba qaadista heshiiskii Ankara iyo sidii ay labada dowladood u xoojin lahayeen xiriirkooda, waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya inay isku raacsan yihiin arrimo ay kamid yihiin ilaalinta madax-banaanida Soomaaliya.

Dhinaca kale wadahadalan ayaa lagu soo qaaday arrinta la xiriirta dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Doolow, iyada oo wasiir Balcad uu u gudbiyay Itoobiya cabashada Soomaaliya ee ku aadan in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doolow ay ka qayb qaateen ciidamadooda, waxaana Itoobiya dhankeeda ay sheegtay inay sameyneyso baaris ku aadan dhacdadaasi iyo haddii ay ku lug leeyihiin ciidankooda.

Sidoo kale mar sii horeysay Itoobiya ayaa sheegtay iaysan ciidankeeda qeyb ka ahayeen dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.