image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guddoomiye Cabdirisaaq oo shaaciyay xog la xiriirta weerarkii BF – Madfaca kama iman meel fog

Muqdisho (Onkod Radio ) – Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii hoobiyeyaal ee shalay lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli ay ku shirayeen xubnaha labada Gole.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in hay’addaha amniga ay u sheegen in hoobiyeyaashaas laga soo tuuray meel aan ka fogeyn xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, taasi oo kor usii qaadeysa tuhunka ku xeeran weerarkaas.

“Hoobiyaha kuwa waaweyn aan aheyn ayaa kusoo dhacay Baarlamaanka hortiisa, waxay Hay’adaha amniga noo sheegeen in hoobiyaha kusoo dhacay Baarlamaanka laga soo tuuray meel aan ka fogeyn goobta,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Waxa ku dhaawacmay dad shaqaale ka ah baarlamaanka iyo dad ka shaqeeya Amniga oo Askar ah. Waxa kulmiyey labada arrin ayaa ah wax la is-weydiiyo.”

Weerarkaas ayaa waxa uu sababay khasaare u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbo shalay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, kadib qoraal ay ku baahisay warbaahinta ku hadasha afkeeda, kaasi oo ay ku sheegtay inay khasaaro ku gaarsiisay ciidamo iyo howl-wadeenada Baarlamaanka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.