image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Deni oo xariga ka jaray xarunta cusub ee bangiga dowlad goboleedka Puntland ee Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga Dowladda Puntland laanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey horumarka dhinac walbo uu ka sameynayo Bankiga Dowladda oo hadda la jaanqaadaya kuwa noociisa ah ee adduunka, wuxuuna xusay in arrimaha maaliyadda aan lagu eegan doonin xaaladda dalku ku jiro, Sidaasi darteedna ay socoto daraasada diyaarinta lacag u gaar ah Puntland.

“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowlad goboleedka Puntland, Masuuliyiinta Bangiga Dowladda, Lataliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.