image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xasan Cali Kheyre oo sharci darro ku tilmaamay heshiiskii Madaxweyne Xasan iyo Abiy Axmed ee ay gareen

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay heshiiskii xalay Magaalada Ankara ku gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in 1-dii Jannaayo 2024,  Itoobiya waxa ay duullaan qaawan ku soo qaadday dalkeenna, ka dib markii ay heshiis is afgarad ah oo sharcidarro ah la saxiixatay Madaxweynihii hore ee Somaliland. Umadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba ay ka gilgisheen duullaankaas, ayna madaxda Dowladda Federaalku ballanqaadeen in aaney wadahadal la geli doonin Itoobiya iyadoo aan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas xadgudubka ku ah qarannimada Soomaaliyeed.

“Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya oo weli ku adkeysanaysa is afgaradkii halista ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. In Madaxweyne Xasan Sheekh uu wadahadal la galo Itoobiya iyadoo aan la laalin is afgaradkii sharcidarrada ahaa, Itoobiyana u ogolaado baddeenna, waa xadgudub hor leh oo lagula kacay qarannimada Soomaaliya oo Madaxweynaha dalku garwadeen ka yahay” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Kheyre in heshiiskan uu yahay mid markasta is badali kara isla markaana shacab iyo dowladba, uu ku boorrinayo inay ka feejignaadaan halista ku geedaamaan heshiiskaas uu ku sheegay inuu yahay sharcidaro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in tallaabooyinka aan laga baaraandegin ee ay qaadeyso dowladda Federaalka ay dhaawac ku noqon doonta madax-bannaanida, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.