image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

10 Weriyaal oo Maalintii 4-aad u Xiran Soomaaliland

Muqdisho (Onkod Radio ) – In ka badan 10 Weriye oo ka hawlgala Somaliland ayaa maalintii 4-aad waxaa ay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla Caasimadda Hargeysa.

Weriyeyaasha Xiran ee nalo xaqiijiyay ayaa kala ah:

  1. Caydaruus Maxamed Goobjoog TV
  2. Maxamed Cabdi Ilig oo ah maamulka (MM  TV),
  3. Xasan  Saleebaan Haariin Galeydh(BBC Somalia)
  4. Axmed Maxamuud Yuusuf(Saab TV),
  5. Axmednuur Samrawi(Bulsho TV)
  6. Maxamed Jamaal (MM Somali TV),
  7. Cabdijibaar Maxamed Xuseen (Horn Cable TV)
  8. Khaalid Alleedi (Horn Cable TV)
  9. Axmed Simaali(Horn Cable TV)
  10. Maxamed Suldaan(Horn Cable TV)
  11. Iyo labo kale oo farsamoyaqaano ah oo aaney noo suurogelin in aan helno magacyadooda.

Ilo warbaahineed oo ku sugan Hargeisa ayaa sheegay in maanta weriyeyaashii xirnaa 4-ta maalin ee tagtay, loo sii jaray ilaa 5 maalin oo xabsi ku heyn ah, taasi oo sii murjisay xaaladda.

Wararka ayaa sheegay in sidoo kale ay booliiska Somaliland ay la wareegeen qalabkii ay weriyeyaasha wateen sida kaamirooyinka.

Weriyaasha ku sugan guud ahaan dhulka Soomaalida, hey’adaha u dooda xuquuqda weriyeyaasha sida Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate SJS, iyo kuwoo kaloo maxalli iyo kuwa caalamiga ah, ayaa intaba dalbaday sii deynta ugu dhaqsiyaha badan Weriyeyaasha.

Weriyaasha ku sugan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa jimcihii dhigay dibadbax ka dhan ah, xarigga Sharci daradda ah, iyaga oo dalbaday in la sii daayo Weriyeyaasha.

SJS oo ah, hey’ad u dooda xuquuqda Weriyeyaasha Soomaaliyeed, ayaa sheegtay in ay ka xun tahay xarig wadareedka lagula kacay Weriyeyaasha ka hawlgala Hargeysa.

Dhanka kale Hey’adda xuquuqul insaanka ee Robert F. Kennedy RFK, ayaa cambaareysay xarigga Sharci darrada ah, ee lagula kacay weriyeyaasha iyada oo dalbaday in la sii daayo.

CPJ Africa, ayaa sheegtay in walaac ay ka qabto xarig wadareedka foosha xun ee loo geeystay Weriyeyaasha Hargeysa iyada oo sidoo kale dalbatay sii deyntooda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.