image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

NISA oo ka digtay khatar Amni oo ku foodleh Rooble iyo Farmaajo

Muqdisho (Onkod Radio) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa digniin maldahan oo ay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA, oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge ay ku magacaabeen Maxamed Mahir. “Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah, dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha.

Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan. Sidoo kalena hay’adda soo ma bandhigin wax caddeymo ah, oo ay ku taageereyso sheegashadeeda.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xilli siyaasadaha Soomaaliya, iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareereyay doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayay in xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan la dilin.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.