image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

RW, Rooble oo amray in Soomaaliland loo fasaxo $11.7 Milyan oo ku jirta xisaabta dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa amray in si deg deg ah, loo fasaxo lacag dhan $11.7 milyan oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Soomaaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, lacagtaas ayaa qorshuhu yahay in lagu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, uuna la wadaagay sida uu uga xanuunsaday musiibadii ka dhacday Hargeysa isagoo u muujiyay sida uu u garab taaganyahay.

Dhinaca kale, kulan uu Rooble uu la yeeshay ganaacsatada Soomaaliyeed oo looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa, ayaa looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar oo gurmad ah.

Lacagtaas ayaa waxaa 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso xukuumadda Soomaaliya, halka 2 Milyan oo dollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dabkii habeenkii Jimcaha ka kacay suuqa Waaheen Hargeysa ayaa baabi’iyey guud ahaan suuqa, waxaana khasaaraha ka dhashay ay warbixino horudhac ah ku sheegeen 1.5 illaa 2 bilyan oo dollar.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.