image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ururka Al-Shabaab ayaa war lama filaan ah, kasoo saaray debkii hargeysa

Muqdisho (Onkod Radio) – Ururka Al-Shabaab, ayaa markii ugu horreysay ka hadalay debkii xoogganaa ee uu ku baaba’ay goobahii ganacsi ee suuqii ugu weynaa magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Bayaan goraal ah, oo goor sii horreysay kasoo baxay hoggaanka sare ee xarrakada Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay in bulsho weynta reer Hargeysa la qeybsanayaan xannuunka musiibada ka dhalatay debkaasi.

“Waxaan fursaddaan uga faa’iideysaneynaa in aan la qeybsano walaaleheena ku dhaqan magaalada Hargeysa, murugada ku aadan musiibada weyn ee ka soo gaaray debkii xoogganaa ee ka kacay suuqa magaalada, waxaan Allaah, weydiisaneynaa inuu idinka ajar siiyo, musiibadaasna kheyr idin kugu baddelo” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xarrakada.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay xarrakada, ayaa lagu dhiiri-geliyay dadka reer Hargaysa inaysan quusanin, maadama masiibada ku dhacday ay tahay mid qadarta Alle ku timid.

“Ha quusanina oo ha murugoonina. Allaah wuxuu kafaala qaaday arsaaqda addoomada, imtixaanka la isku imtixaamayo dhaqaalahana waa qadar la mid ah, qadarta Allah ee ku dhacaysa nafta arrimaha, adduunyaduna ma mudno in laysku murjiyo, sababtoo ah waa wax iska dhamaanaya.”

Qoraalka kasoo baxay hoggaanka sare ee ee xarakada Al-Shabaab, ayaa imanaya ayada oo suuqa Waaheen, oo ahaa suuqa ugu weyn ee magaalada Hargeysa uu u gubtay dab ka holcayay saacado badan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.