image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xabad-joojintii Gaza oo lagu daray maalmo kale

GAZA (ONKOD) Israa’il iyo Xamaas ayaa isla gartay in mudda laba maalin oo dheeri ah lagu kordhiyo heshiiskii xabbad-joojinta afarta maalin ahaa.

Muddo kordhinta heshiiskan xabbad-joojinta oo ay ku dhawaaqday dowladda Qatar, ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo xabad joojin dheeraad ah.

Waxaa kale oo la filayaa in arrinntani ay suurageliso sii deynta dadka ay weli labada dhinac kala haystaan

33 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ay sii deysay Israa’iil ayaa dhawaan gaaray bariga Qudus iyo magaalada Ramallah ee ku taalla Daanta Galbeed.

Labada maalmood ee lagu kordhiyay heshiiska xabbad joojinta ayaa laga raja qabaa in labada dhinac ay is weydaartaan tiro kale oo maxaabiis islamarkaana gargaar dheeraad ah la geeyo marinka Gaza.

Sida ku cad heshiiska xabbad joojinta ah ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil, saddex maxaabiis Falastiiniyiin ah waxaa ay Israa’iil ku baddalan doontaa hal qof .

Israel ayaa sidoo kale sii wada raafida Falastiiniyiinta Gaza iyadoo tan iyo 7dii Oktoober xabsiga dhigtay 3000 qof. Dadkaasi oo aan kamid ahayn kuwa ay xabsiyada kasoo deysay.

In ka badan 6000 oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan kumanaan caruur ah ayaa weli ku jira xabsiyada Israel oo ay kala kulmaan tacadiyo badan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.