image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay ku biirista Sheekh Aadan Sunne

Muqdisho (Onkod Radio) – Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war qoraal ah, kasoo saaray ku biirista kooxda ee Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame Sunne, kaasi oo shalay shaaciyay in uu gaaray deegaannada kooxdaasi ay maamulaan.

Qoraal kasoo baxay Ururka Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay in Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame Sunni, kulamo iyo martiqaadyo diirran loogu sameeyay Magaalooyin dhowr ah, oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame Sunne, ayaa kormeer uu ku indho indheynayo kusoo maray deegaannada ay gacanta ku haayso kooxda, sida lagu sheegay qoraalka goor sii horreeysay kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.

“Intii uu ku guda-jiray booqashadiisa wuxuu kulamo la qaatay qeybaha bulshada sida culimada, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta maamullada Islaamiga ee wilaayaadka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Wuxuu Sheekh Aadan Sunne, sheegay in sababta uu uga soo haajiray Hargeysa, ay tahay inuu xor u noqon waayay faafinta dacwadda Islaamka, islamarkaana maamulka halkaas ka jira uu dhaqan ka dhigtay cadaadinta daaciyada iyo garab istaagga hay’adaha dadka gaaleysiiya ee dagaalka kula jira ducaadda Islaamka.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Sheekh Aadan Sunne, uu kala qeyb-qaadan doono waxay ugu yeeren “halganka halkaas laga soo abaabulo”, taasi oo qeyb ka ah sida la ogyahay daadinta dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.