image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xaawo oo AS-nimada loo haystay oo Gerka loo geliyay Xukun Maxkamadeed adag

Muqdisho (ONKOD) Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta xukun ku ridday gabadh loo haystay inay ka tirsanayd kooxda Al-Shabaab, taasoo siyaabo kala duwan ula shaqayn jirtay.

Xaawo Cismaan Cabdi oo ah gabadh dhalinyaro ah ayaa lagu helay in kooxda ay u hayn jirtay hubka isla markaana ay macluumaad ka keeni jirtay xubnaha dawladda u shaqeeya.

Xaawo ayaa kooxda ku biirtay kaddib markii ay afkaarta xagjirka ah ka heshay barraha internet-ka ee Al-Shabaab.

Gabadhan oo si weyn arrinteeda loo hadal hayo ayaa ka warbixisay sida ay ay ugu biirtay kooxda, waxa ay sheegtay in ay Sacuudiga kasoo laabtay sanadkii 2021-kii.

Sidoo kale waxa ay qiratay in hubka loo geeni jiray sida bambaanooyin iyo bistoolado, kadibna ay usii gayn jirtay xubnaha weerarada ka fuliya gudaha caasimada.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Xaawo lagu helay dhammaan eeddihii loo jeediyay, sidaas daraadeedna lagu xukumay 8 sano oo xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyn guddoomiye Shuute oo ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in Cawil Aadan Jaamac lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale waxaa Xaawo Cismaan lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.