image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ergeyga QM ee u qaalbisanaa Arrimaha Suudaan oo is Casilay

Suudaan (ONKOD) Volker Perthes oo ah Dibloomaasi u dhashay dalka Jarmalka waxa uu maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkii Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Sudan.

Sidoo kale, Ergayga oo Khudbadiisii u dambaysay maanta u jeediyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxa uu ka digay inuu Dagaalka ka socda  Sudan uu horseedi karo Dagaal Sokeeye oo dhamaystiran.

Is-Casilaadiisa ayaa timid, iyadoo ay  Dowladda Sudan ku dhawaaqday bishii June 8-dii ee sanadkan inay Ergaygaasi u aqoonsadeen Shaqsi aan laga sii jeclaan doonin dalka Sudan (persona non grata).

Dhanka kale, Qoraal uu Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan u diray Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayuu ku sheegay inuusan Ergayga dhexdhexaad ka ahayn Colaada dalkaasi.

Haddii aan eegno Taariikh Nololeedkiisa, Volker Perthes waxa uu ku dhashay magaalladda Duisburg-Homberg ee dalka Jarmalka bishii May 16-dii ee sanadkii 1958-dii.

Waa  Caalim Siyaasaded, Aqoonyahan, Qoraa iyo Cilmi-baare, wuxuuna Agaasime ka ahaa Machadka Jarmalka ee Arrimaha Caalamiga iyo Ammaanka  .

Tan iyo bishii January ee sanadkii 2021-dii waxa uu Volker Perth  ahaa Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Sudan iyo Madaxa Hawlgalka KMG ee QM ee Taageerada Sudan .

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.