image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidanka DFS oo isaga baxay deegaanka Ceelgaras ee gobolka galgaduud.

Ceelgaras (ONKOD) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in caawa isaga baxeen deegaanka Ceelgaras ee   gobolka Galgaduud halkaas oo ay maamuli jireen kooxda Al- Shabaab.

Dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin sababta keenay in maanta  oo ay ciidanka la wareegeen dib ay ugu baxaan hadana deegaankaas oo ka mid ah meelaha muhiim ah ee Al- Shabaab laga saaray.

Wararka laga helayo Ceelgaras ayaa sheegaya in caawa hal askari uusan ku sugnayn deegaankaas , sidoo kale aan ku sugnayeen xubnaha Al- Shabaab ,labaduba.

Waxyar uun ka dib markii la qabtay deegaankaas waxaa booqday Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor  Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo Taliyaha Nabad sugidda NISA kuwaas oo dib ugu soo laabtay halkaas saacad ka dib.

Ciidamada Dawladda iyo kuwa qabaa’ilka ayaa barqadii galay magaalada Ceelgaras oo qiyaastii 40km u jirta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, iyagoon wax iska caabin ah la kulmin.

Ceelgaras waa magaalo ku taala wadada u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, waxana muddo dhawr iyo toban sano ah gacanta ku hayay ururka Al-Shabaab.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.