image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Sheekh Shariif ‘’ Fursad hala siiyo Nabadda Laascanood ‘’

Muqdisho (ONKOD) Madaxwaynihii hore ee dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in la  joogo waqtigii wada hadal lagu dhameyn lahaa xiisada ka taagan magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay in dagaalka ka dhacay Laascanood dadkii ugu badnaa ay isaga barakaceen magaalada Laascanood kuwaas oo ku dayacan meelo kala duwan oo gobolada SSC ah .

“Waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saarin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laabtaan ‘’ ayuu sheegay Sheekh Shariif.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in la joogo waqtigii wada hadal lagu dhamayn lahaa colaada ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag , halkaas oo qalaalase badan uu ka tagan yahay bilooyin badan.

“Labada dhinac ee dagaallamay waxaan ku dhiirra gelinaynaa in Nabadda fursad la siiyo, miiska wadahadal kana shuruud la’aan lagu soo noqdo, annagoo fahamsan heerka xun ee ay colaaddu gaartay ‘’  ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa dhica kale dowladda Federaalka ugu baaqay inay qaadato ‘dowrkeeda ku aaddan Nabadaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac.’

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.