image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Shariif ‘’Baaritaan madax banaan waa in lagu sameeyaa weerarkii Cowswayne’’

Muqdisho  (ONKOD )  Madaxwaynihii hore ee  Dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay weerarkii khasaaraha badan ka dhashay ee kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen ciidanka Dowladda oo ku sugnaa deegaanka Cowswayne ee galgaduud.

Shariif oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay weerarkaas oo ay ku dhinteen askar aad u badan  kuwaas oo dhaawacyadooda la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo ‘’ sheegay Madaxwaynihi hore Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay guulaha ay ciidamada Xoogga ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan qabashada Ceelbuur.

Weerarkii – ka dhacay deegaanka Cawswayne ee gobolka galgaduud ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badan ee soo gaara ciidanka Dowladda Soomaaliya ee gobolkaas ka wada dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Dowladda Soomaaliya faahfaahin dheeraada ah ma aysan ka bixin weerarkaas khasaaraha badan dhaliyay isla markaana abuuray shaki badan oo ku aadan sida uu u dhacay howlgalinta ciidanka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.