image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Booliska siduu uga hadlay weerarkii Al- Shabaab ay ka gaysteen MUQDISHO ?

Muqdisho (ONKOD ) Taliska  ciidanka  booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay , weerar jihooyin badan lahaa ka dhacay oo magaalada Muqdisho ay ka gaysteen kooxda Al- Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al Shabaab weerar qarax ku bilowday xalay ku qaadeen saldhigga booliiska degmada Kaxda, sidoo kale weerareen goobo kale.

“Khasaaraha goobta ka dhashay ayaa ah dhimashada laba askari oo kamid ahaa ciidankii halkaa Khawaarijta kula fal-galay oo ka difaacay iyo dhaawaca saddex kale” ayuu yiri.

Ujeedka ay kooxda weerarkan ka damacsaneyd ayuu sidoo kale ku sheegay inay isaga jeedineysay culeyska iyo cadaadiska ka soo food saaray howlgallada ka socda gobollada.

Weerarka Al Shabaab xalay ku qaadeen degmada Kaxda ayaa ahaa kii ugu xooganaa ee muddooyinkan ka geestaan Muqdisho, waxaana weerarkan uu yimid xilli Galmudug uu ka bilowday howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.