image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mucaaradka Somaaliland oo iska diiday dalab ugu yimid Muuse Biixi

Hargaysa (ONKOD ) Labada xisbi mucaaradka ee Somaaliland ayaa qaadacay shir uu ugu yeeray Madaxweyne Muuse Biixi, kaasoo looga hadlayay khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay ku diideen dalabka Madaxweynaha kuna qaadaceen shirkii loogu yeeray.

Sidoo kale, Feysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday inay diideen kulanka uu ugu yeeray Muuse Biixi Cabdi ka dib markii ay tashadeen labada xisbi.

Guddoomiyaha UCID ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi inuu dib u dhigay Somaliland, uuna galiyay xaalad adag oo siyaasadeed.

“Muuse sabab uu noogu yeero ma jirto, ilaa iyo maalintii uu yimid xukunka, wixii ay Somaliland ku soo caano maashay, ee sharci ahayd, tanaasul iyo wadatashi wuu laabay, markaa in la shiro wax macne ah sameyn meyso” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Dhanka kale, Feysal Cali Waraabe ayaa ka hor yimid go’aankii guddiga doorashooyinka ay ku go’aamiyeen in lasoo horumariyo doorashada ururada, kadibna la qabto mida Madaxweynaha, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Wareegtada Madaxweynaha uu dhawaan ku meelmariyay jadwalkii doorashooyinka ee guddiga doorashadu soo saaray ayuu Feysal Cali Waraabe sheegay iney tahay mid aan shaqeyneyn sababo la xiriira iyadoo uusanba jirin sharcigii lagu maamuli lahaa doorashada.

 

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.