image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Shiinaha

Muqdisho (Onkod Radio) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan gaar ah, xafiiskiisa kula yeeshay wafdi ka socda dowladda Shiinaha, kaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey Ergayga gaarka ah, ee dowladda Shiinaha, u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika, Xue Bing, kaas oo wada hadal la yeeshay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Cali.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xiriira Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka dalbaday Shiinaha, inuu kaalin ka geysto abaaraha saameeyey dalka, gurmad deg deg ahna u gaarsiiyaan dadka ay saameeyeen abaaraha.

Sidoo kale Xue Bing iyo wafdigiisa ayaa ballan-qaaday inay door weyn ka qaadan doonaan arrimaha bani’aadanimada dalka, isla-markaana ay ka jawaabi doonaan dalabka dowladda.

Shiinaha, ayaa ka mid ah dalalka haatan xiriirka dhow la leh dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa dalka mashaariicyo dhowr ah.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.