image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Taalibaan oo la wareegtay Madaxtooyada dalka Afgaanistaan

Xoogaga Taalibaan ayaa sheegtay iney si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Madaxtooyada dalka Afganistaan ee ku taala magaalada Caasimada ah ee dalkaasi Kabul.

Taalibaan ayaa gudaha u gashay xarunta Madaxtooyada dalkaasi saacado kadib markii uu halkaasi isaga baxsaday madaxweynahii wadankaas Ashraf Ghani.

Hogaamiyaha Taalibaan iyo ilaaladiisa ayaa kasoo dhex muuqday xarunta Madaxtooyada dalkaasi oo ah halka looga arimin jiray dalka Afgaanistaan.

Taalibaan ayaa muddo kooban oo laba isbuuc gudaheeda ah ku qabsatay guud ahaan dalka Afgaanistaan mudo 20 sano oo ay ka dhex dagaalamayeen gudaha dalkaasi Afgaanistaan.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay qabsashada Taalibaan ay dib kula wareegeen talada dalka Afgaanistaan, waxaana la arkayay shalay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka Mareykanka oo Diblumaasiyiinta ka joogay dalkaasi la baxayay iyaga oo si toos ah u dagaayay aqalka Madaxtooyada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.