image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Deg Deg, Midowga musharraxiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay jadwalka

Muqdisho (Onkod Radio) Midowga Musharraxiinta Soomaaliya, ayaa si weyn u taageeray jadwalka cusub ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer federaal, kaasi oo dhigaya in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada aqal, waxayna maamullada uga digeen fara-gelinta ay ku hayaan arrimaha doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in dib u dhaca iyo daahitaanka sannad ka badan ee doorashooyinka dalka ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halis ku timaada sharciyada iyo weliba jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah.

“Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhoweynayaa jadwalka dhameystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT),” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa ka digay fara-gelinta maamullada ee dhameystirka doorashooyinka dalka, ayaga oo caddeeyay in kaalinta dowlad goboleedyada ay ku eg-tahay fududeynta doorashootinka ee deeganadooda.

“Golaha wuxuu adkeynayaa in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo jireenkii doorashooyinka 2016/ 2017 ee ku aadan masu’uliyadda GHDHF ee la xariira wakhtiyeynta dhameystirka hawlaha doorashooyinka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu goluhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda iyo beesha caalamka, inay gacan ku siiyaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carqaladeynta dhammeystirka hawlaha doorashada.

Sida ku cad jadwalka Guddiga FEIT 16-ka bishaan illaa 23-ka bishaan  ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka illaa 29-ka la qorsheeyay in la hubiyo dukumintiyadaas.

Jadwalkaan cusub ee uu soo saaray Guddiga FEIT, ayaa waxaa ka horyimid Dowlad Goboleedyada Galmudug, iyo Koonfur Galbeed, oo ku tilmaamay sharci darro, islamarkaana uu guddiga doorashooyinka heer Federaal uusan Awood u laheyn arrintaan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.