image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Afgembi ka dhacay dalka Niger & Waddamo badan oo dhaleeceeyay Afgambigaasi

Niamey  (ONKOD) Warbaahinta  dalka Niger  ayaa ku warantay maanta oo Khamiis ah in ciidanka dalkas Niger oo ku yaalla Galbeedka Africa, militiriga ay kaga dhawaaqeen afgembi.

Waxay sheegeen inay laaleen dastuurka dalka, oo ay kala direen dhamaan xarumaha kala duwan ee ku yaalla dalka, isla markaana ay xireen xudduudaha dalkaas.

Ciidamada ayaa Arbacadi shalay ahayd xiray madaxweynaha dalkaas Niger, Mohamed Bazoum, iyo ilaaladiisa.

War kasoo baxay milatariga afgembiga sameeyay ayaa lagu sheegay in ay xireen xuduudaha dalka Niger ayna socdaan howlgalo nadiifin ah, waxa ayna dadka ugu baaqeen in ay is dejiyaan.

Qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka iyo qaarada Afrika ayaa si kulul u dhaleeceeyay afgembiga ay sameeyeen ciidamada milatariga, waxa ayna ku tilmaameen afgembigaasi wax aan xilligan la aqbali karin.

Dalka Niger waxaa horey uga soo dhacay afgembiyo iyo isku dayo badan , waxaana dalkan uu daris la yahay dalalka Mali iyo Burkina Faso oo iyana marar badan ka dhaceen afgembi talada lagula kala wareegay.

Ururka Midowga Afrika ayaa cambaareeyay falka ay ku kaceen askartaasi, iyagoo sheegay inay yihiin kuwo aan la aqbali karin.

Niger ayaa tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska 1960-kii ayaa waxaa ka dhacay afar afgembi, iyo isku dayo badan oo afgambi ah.

Madaxweyne Bazoum ayaa si dimoqraadi ah loo doortay 2021, waa saaxiib dhow oo Faransiis ah, iyo waddamada kale ee reer galbeedka.

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.