image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

XOG : MD Xasan oo cabsi amni gudaha u gali waayay magaalada Jowhar

Jowhar (ONKOD ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagay magaalada Jowhar halkaas oo qorshuhu ahaa inuu kula kulmo qaybaha bulshada iyo saraakiisha ciidan.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dib ugu soo laabtay Garoonka magaalada Jowhar halkaas oo uu kula kulmay keliya Madaxwayanaha  Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Sida xogaha ay sheegayaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cabsi amni darteeda ugu soo laabtay Garoonka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Safarka Xasan Sheekh ee magaalada Jowhar ayaa qayb ka ahaa booqashooyin uu ku doonayay inuu ku tago gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug halkaas oo ay ka socdaan howlgal ka dhan ah Al- Shabaab.

Tuulooyinka ku dhaw dhaw magaalada Jowhar ayaa lagu soo waramayaa in ay aad ugus oo dhawadeen kooxda Al- Shabaab taas oo keentay cabsida soo wajahday Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Villa Soomaaliya wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin , xaalada  cabsi ee soo wajahday Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.