image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

ATMIS ‘’Waxaan banaynay 7 saldhig oo aan ku wareejinay ciidanka DFS ‘’

Muqdisho (ONKOD) Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in wadar ahaan 7 saldhig ay wareejiyeen kuwaasi oo loo qoondeeyay in lawareejiyo si ay u suurtagasho dhimista 2000 oo askari.

Saldhigyadda ay baneeyeen ayuu ku sheegey inay kala yihiin Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub, ayaa lagu wareejiyay ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF).

Saldhiga Gherille oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa mas’uul ka ahaa Ciidamaka Kenya ee qaybta ka ah ATMIS halka Saldhiga Aljazeera 1 oo ku yaalla duleedka caasimadda Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen Ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah ATMIS.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada xilligan qorshe ay ku doonayso in ay kula wareegto dhamaan goobaha ay baneeyeen ciidanka ATMIS kuwaas oo qorshahooda uu yahay in dalka ay ka baxaan.

Goobaha ciidanka ay banayeen ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ciidanka ay la wareegi doonaan isla markaana  ay qaban doonaan ciidanka Dowaldda howgal la mid ah kii ATMIS ay u  joogtay Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.