image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

WARCUSUB : Beelo dagaal ku dhaxmaray duleedka Dhuusmareeb ee Galgaduud

Dhuusmareeb (ONKOD) Wararka maanta oo Arbaca ah Onkod uu ka helayo degmada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaas dagaal uu ku dhaxmaray laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan ayaa ka dhacay duleedka degmada Dhuusmareeb gaar ahaan halka loo yaqaano , Ilix oo hoostaga degaanka Ceeldheere.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in halkaas maanta laga maqalayay jugta hubka culus ee ay is waydaarsanayeen labada maleeshiyo beeleed ee wada dega deegaanka Ilix .

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaankaas ka taaganaa xiisada labadan maleeshiyo beeleed , waxana lagu guul daraystay in la xaliyo beelahan oo khilaafkooda uu ka dhashay muran dhul.

Labada dhinac ayaa la sheegay in ay iska dileen dhawr qof oo ilaa iyo hadda la shaacin tira ahaan waxase jira dhaawacyo la gaarsiiyay isbitaalada magaalada dhuusmareeb.

Maamulka Galmudug  weli kama hadlin colaadaan ka jirta degaanno hoostaga Dhuusamareeb, waxaana dagaalka uu kusoo aadayaa xilli Maanta ay tahay Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.