image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamo ka soo horjeeda DENI oo xirtay waddooyinka magaalada Garoowe

Garoowe (ONKOD ) Magaaalada Garoowe  ee xarunta maamulka Puntlan waxaa fariisino ciidan ka samaysatay , ciidamo ka soo horjeeda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni kuwaas oo xirtay waddooyin muhiiim ah.

Wararka aan ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagaan tahay xiisadda ka dhalatay wax ka bedelka dastuurka maamul goboleedka Puntland.

Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca amni ee laga qabo, isku dhac dhex mara ciidamadan ka amar qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka, iyo weliba ciidamada dawladda ee weli ku sugan aagga xarunta baarlamaanka.

Maamul goboleedka Puntland ee hoggaaniyo Saciid Cabdullaahi Deni wali wax war ah ma uusan ka saarin xiisada ka taagan magaalada Garoowe si gaar ah ciidanka ka soo horjeeda ee xirtay waddooyinka.

Dadka ku nool magaalada Garoowe ayaa farta wadna ku haya cabsi ay ka qabaan in magaalada ay isku fara saaraan ciidanka ka amar qaada Madaxwaynaha xilka ka sii dhamaanaya ee Puntland iyo xubnaha mucaaradka .

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.