image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Daacish ayaa qirtay dhimashada hoggaamiyahoodii hore ayagoo ku dhawaawaqay hoggaamiye cusub

Muqdisho (Onkod Radio) Ururka Daacish, ayaa sheegay inay ku dhawaaqeen hoggaamiyahooda cusub waxay kaloo ay qirteen geerida ku timid hoggaamiyoodii hore oo dhowaan isku dilay weerar ismaadiimin ahaa kaasoo ay soo weerareen ciidamada Mareykanka.

Ururka Daacish, gaar ahaan kuwa ka howl-gala Soomaaliya, ayaa ka hadlay isbaddelka ballaaran ee ku yimid hoggaanka guud ee kooxdaasi.

Bayaan kasoo baxay Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay daacad u noqon doonaan hoggaamiyaha cusub oo lagu magacaabo Sheekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi.

Sidoo kalena waxa ay kooxdu wacad ku martay in ay laba jibaari doonaan howl-galladeeda, xilli la’isku diyaarinayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Farriintan oo aheyd mid gaaban ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday dagaalamayaal ka tirsan Daacish iyo horjoogahooda oo lagu soo badhigay bogga kooxda ee Twitter-ka.

Kooxda Daacish ayaa dhowaan Seekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi u magacawday inuu noqdo hoggaamiyahooda cusub, waxayna xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodii hore ee Abu Ibrahim Al-Qurashi, kaas oo lagu dilay weerar ay ciidanka Mareykanka ka fuliyeen gudaha Suuriya.

Dagaalamayaasha ISIS ee ka howl-gala Soomaaliya, ayaa ku xooggan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari oo ah halka ay kasoo duubtay farriintan loo diray hoggaamiyaha cusub.

Inta badan dagaalamayaasha kooxdan ayaa weeraro ka fuliyo qaybo ka mid ah, dalka, gaar ahaan magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho oo ah, caasimada Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.