image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Booliska oo soo bandhigay khasaaraha weerarkii Xeebta Liido

Muqdisho (ONKOD ) Ciidanka Booliiska  Soomalaiyeed ayaa war ka soo saartay khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday dhismaha maqaayadda Pearl Beach ee ee degmada Cabdicasiis, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku geeriyeedeen 6 ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale, dadka dhintay ayaa waxaa ku jira 3 ka tirsanaa ciidamada ammaanka.

Waxa ay sidoo kale uu sheegay booliska iney soo badbaadiyeen 84 qof oo shacab ah oo isugu jira caruur, Haween iyo dad waaweyn oo xiligaasi ku sugnaa goobta la weeraray.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in weerarka fuliyeen todobo nin oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo isugu jiray kuwa is qarxiyay iyo kuwa kale ay dileen ciidanka dowladda.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in hoteelka la weeraray ay ku sugnaayeen shacab fara badan, isla-markaana ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay baabi’iyaan dadkaasi.

Booliska wax xog ah kama bixin tirada dableyda maqaayada weerartay iyo sida ay goobta kusoo gaareen, maadaama baro lagu hubiyo gaadiidka ay buuxaan aagga goobta.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.