image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ururka midowga yurub ayaa hanjabaad adag u diray Ruushka xilli saakay ay weerar ku qaadeen Ukraine

Muqdisho (Onkod Radio) Ruushka ayaa  wajahaaya go’domin oo aan horey loo arag sababo la xiriira weerarka ay ku qaadeen dowladda Ukraine, waxaana la saari doonaa “cunaqabateynadii ugu xoogganaa” ee Midowga Yurub, uu saaro abid dowlad, waxaa sidaas yiri Josep Borrell, oo ah, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ururkan, Tani ma ahan su’aal ururo. Tani ma ahan su’aal ciyaar ah ama awood diblomaasiyadeed. Tani waa arrin nolol iyo geeri ah, Tani waa mustaqbalka bulshadeena,” ayuu yiri.

Madaxa Guddiga Midowga Yurub, Ursula Ursula von der Leyen, oo ka dhinac hadleysay, ayaa iyadana sheegtay in xayiraadaha cusub ee ka dhanka ah Ruushka, lagu go’aamin doono shir deg deg ah, oo maanta dhacaaya.

“Waxaan wiiqi doonnaa aas-aaska dhaqaalaha Ruushka iyo awoodda ay u leedahay inay horumarto,” ayey tiri. Ursula von der Leyen.

“Bartilmaameedka waa xasilloonida Yurub, iyo nabadda caalamka oo idil. Waana kula xisaabtami doonnaa Vladimir Putin, taasi.

Josep Borrell, ayaa yiri “Kuwani waxay ka mid yihiin saacadihii ugu xumaa eena ugu madoobaa Yurub tan iyo dhammaadkii Dagaalkii 2-aad ee Adduunka.

Waxa uu sheegay in weerarka Ruushka ay ku qaaday deriskeeda Ukrain, aysan xad gudub ku aheyn kaliya xeerarka caalamiga ah, balse ay sidoo kale xad gudub ku tahay mabaaddi’da wada noolaasho ee bani’aadaamka.”

Waxa uu intaas ku daray in Midowga Yurub ay diyaarinayaan kaalmo deg deg ah oo la siiyo Ukraine iyo howlgal daad-gureyn ah oo ay qeyb ka tahay in shaqaalaha ururka laga soo qaado goobaha ay saameeyeen weerarada.

Josep Borrell, iyo Ursula von der Leyen, ayaa labaduba xoojiyay in Midowga Yurub ay dhinac taagan yihiin shacabka Ukraine.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.